
Asxaabul Fiil
Waxyaalihii waaweynaa oo dhacay sanadkii 570, oo Nabi Muxammad SCW dhashay, waxaa ka mid ahaa inuu Abraha Al Ashram, oo ahaa Boqorka Yaman, uu usoo kacay Makkah, asagoo doonahaya inuu Kacbada dumiyo. Siday arrintu u dhacday, oo koobanna, waa tan: Xabasho ayaa qabsatay dhulka Yaman, oo taladii kala wareegtay boqortooyadii reer Yamaneed ee Ximyar, oo dalkaas ka talin jirtay. Markay boqortooyadii u wareegtay Boqorkii xabashida ahaa oo la oran jiray Abraha bin Assabaax Al Ashram (Al Ashram waxaa weeye macneheedu: midkii wajigiisu kala dhanbalnaa, ayadoo waran lagu dhuftay uu wajiga kala jeexay), wuxuu Sanca, caasimadda Yaman, ka dhisay kaniisad weynin badan, oo mid la mid ah aan zamankaas la arag, magaceeduna ahaa Al Qulays, uuna ku dhisay dhagax marmar ah oo cad, qori adag iyo dahab. jeedadiisu waxay ahayd inuu carabta ka leexiyo inay Makkah u xajiyaan, oo ay kaniisaddaas usoo xajjiyaan. Markii ay carabtii akhbaarta ujeedadiisu gaartay, waxaa carooday nin ka mid ah Annasaa'ah, kana mid ahaa Banii Fuqaym bin Cadiy ibn Caamir bin Thaclabah bin Al Xaarith bin Maalik bin Kanaanah bin Khuzaymah bin Mudrikah bin Ilayaas bin Mudar. Annasaa'ah, waxaa weeye kuwii bilaha afarta ah ee xurmada leh, oo ah Sidataal, Arrafo. Zako iyo Rajab, inta xurmada ka qaada, dib u dhigi jiray, oo aan ku soo sheegnay "Bilaha Xurmada leh". Dadka sidaas samayn jiray, oo bilaha xurmada leh dib u dhigi jiray, ayaa waxaa la oran jiray Nasaa'ah.
Sabar Daridda Muslimiintu waa sunta ugu horeysa !
Diinta islaamka sida magaceedaba ka muuqata waa diin nabad galyo, samaaxad, dabacsanaan iyo barwaaqo ah, waxaa kaloo lagu macneeyaa Alle isu dhiibid, alle isu hareereyn, dhamaan macnayaashani wexeey diiradda saarayaan macnayaal wanaagsan oo aan aheyn kuwa maanta islaamka maxaafisha caalamka lagu suntay.
Sida aan dhamaanteenba la soconay waxaa dhowrkii toddobaad ee ina dhaafay caalamka daafihiisa gilgilayayey qaraxyo, weeraro, is-biimeyn, diyaarado afduub, qafaalasho IWM, dhamaan falalkan " Argagixisada lehi" waa kuwa lagu xardhay magaca sharafta leh ee Islaamka, Nasiib xumo muslimiin ah dhalinyaro laga careeysiiyey ah ayaa sheeganayey ineey " Jihaad ku jiraan"
Aqristow khubaro muslimiin ah oo dhawaantan kulan ku yeeshay magalada London ee waddanka UK ayaa isku afgartay in caalamka islaamka eey hareereysay " Sabar Darri" aad u holceysa, oo xitaa ku khasabtay in dumar muslimiin ahi eey ka qeyb qaataan falal naxdin leh, sidii Qafaalkii dhimashada badan geystay ee Tiyaatarkii Ruushka, bishii ina dhaaftay.
Hadii aad si fiican u dhuuxdo natiijada kama danbeysta ah ee falalkani ku danbeeyaan waa : dil ama Isdil (is-biimeyn) weerar soo qaadaha, sida tii Mombasa dhowr maalmood ka hor, iyo weerarkii askarta mareykanka ee Kuwait
haddana Nasiib xumo weeraradan gunta laga leeyahay ee ah in " Gaaladu ka foofaan dhulka Islaamka" waa kuwa aan sidaas u sii mira dhal aheyn, iskaba daayee xaqiiqdu wexeey tahay in yabooha dagaala cusubi loo yaboohayo caalamka islaamka uu yahay mid sii kordha marba marka ka danbeysa, sida imminka xaalku yahay arrinka Ciraaq.
walaalayaalow, Fowdadu ma xal baa ...? Jawaabteeda koobani waa MAYA, kannax ama ku farax sooyaalka taariiqda fowdada lala beegsanayo dadka aan muslimka aheyn ee misana shibilka ah waa mid aan aayo lahayn.
Fadlan ogow: arrinka Falastiin iyo Israa'iil waa mid sidoo kale aan -aniga aragtideyda- Qas iyo Fowdo waxba ku dhalineyn, iskaba daaye waxaa la tijaabiyey in wada hadallado yihiin waddada kaliya ee horumar iyo naf badbaadin lagu gaari karo. sida ka dhexeeysa Israa'iil iyo Masar/Jordan. Tusaale kale waa arrinka soomaalida, sow mawada ogin in 12 sano ee ina dhaafay eey Qabiil Qurac iyo Qabiil Qansax koonfor iyo bari isu eryanayeen, haddana maanta waxaa dib loogu laabtay meeshii qolo walbaayi qolada kale ka eryatay 12 sano kahor, inta hadhayna mar uunbaa laga eryan doonaa
haddaba yaan u baahannahay..? Yaanse ma maarannaa ...?
war haddaba muslimiineey dad noocee ah ayaan waqtul-xaadirkan u baahan nanay..? kuweense ka maarannaa..? waa su'aal loo baahan yahay bal in woxoogaa la laffaguro.
intaanan muslimiinta u galin aan soo qaato hadal cajiib leh oo uu toddobaadkii hore ka dhawaajiyey qoraaga caanka ah ee Robert Fisk oo dhalashadiisu Ingiriis tahay, dhowr iyo tobankii sano ee ina dhaafayna ku noolaa waddanka Lebenon, wuxuu isagoo wareysi bixinaya yiri " shacabka reer galbeedku wexeey u baahan yihiin dowladdo aan mayal adkeyn, sida midda hadda washington ka jirta, waana ineey bal isweydiiyaan sababta keentay xanaaqa iyo ciilka caalamka islaamka? sidii uu ra'iisul wasaaraha Canada-ba isu weydiiyey "
Aniga wexeey ila tahay inaan hadii aan muslim nahay aanan maanta u baahneyn Al-Qacida, Usama Bin Ladin iyo dhamaan qolooyinka haweenka iyo carruurta aan waxba galabsan bambooyinka ku qarxiya, waana in la fahmaa oo aan laga gabban ineey 2% ku dhex jirta muslimiinta eey magacii islaamka maanta la mataaneeyeen " Argagixiso" waana kooxdaas kuwa aan maanta ka maaranno.
Waxaan u baahanahay muslimiin ama hoggaamiyeyaal aan fowda wadayaal aheyne, kana sharqamiya islamarkaana soo jiita codadka wax doortayaasha, sida Mr Najib Ordoghan-ka Turkiga (walow aanan wax walba ku raacsanayn) haddana waxaan ku qanacsanahay sida sharafta leh ee uu maanta xizbigiisa ugu hogaamiyey inuu la tartamo axzaab dhanka bidixda fog jirta, taageerada Millataritgana ku raaxeysata. misana uu ka guuleystay.
Waxaan u baahanahay dhamaan Islaamiyiinta sida sharciga ah doorashooyinka waddankooda ugu soo baxa, sida kuwa Bahrain iyo Kuwait ee bishii hore la soo doortay si xor ah.
Saxaafadda reer galbeedku markii eey kuwaas arkaan ayeey garan waayeen sifo xun oo eey islaamku ku lamaaniyaan, ha yeeshee markeey arkaan niman baasuukayaal ladaba taagan dayuurado boqolaal shibil ah wada ayeey mar qura afka labadii yeeraan oo yiraahdaan " waa kuwan muslimiinta sidan yeelaya" .
Walaaleheen soomaaliyeed ee ku nool meelaha ka baxsan galbeedka, gaar ahaan mareykanka, waxaa laga yaabaa ineey ka naxaan maqaal noocan oo kala ah, laakiin ma oga in sababta maalin kastaa uu Wadaad Kirishtaan ihi isugu taagayo suubaneenii nabi muxammad (SCW) eey tahay sawiradda foosha xun ee ka soo burqanaya shaashadaha taleefishinka reer galbeedka ee magaca Islaamka lagu sameynayo
Dabcan diinta islaamku weey ka dhantahay kuwa isku dhereriya diintooda, sida Salman Rushdie, Ayaan Xersi IWM ah, laakiin waxeey ila tahay in si sharaf leh loola loolamo ee aan la caayatamin oo aan diinta mageceeda markaas lawasakheyn.
Ugu danbeyntii, walaalaha muslimiinta ahow ogaada sababta ugu weyn ee aad u xanaaqsan tihiin waa hogaamiyayaasha xooga idinku heysta, oo xitaa aan idiin oggoleyn inaad kuwa aad ku qanacsan tihiin doorataan, hadii aad dooran laheydeen hoggaamiyeyaasha aad ku qanacsan tihiin, waxaa hubaal ahaan laheyd ineey si cilmiyeysan ula xisaabtami lahaayeen quwadaha reer galbeedka, markaasna aad qanacsanaan laheydeen, bal wax yar ka fikir waddamada Muslimka ah ee woxooga xorriyada siyaasadeed heysta, waxaad arkeysaa in dadkoogu eeysan inta badan ka qeyb galin falalka fowdada ah.
F.G. dhamaan qoraalkan waa fikradeeyda gaarka ah, cid kale oo aan matalana ma jiraan, waana leygu diidi karaa, waana laygu raaci karaa.
Allaa Xaqa og
C/raxmaan Ceynte
|